LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Midoowga Yurub oo ka carro-gedisanaya la ganacsiga Maraykanka

Midoowga Yurub ayaa heshiiskii ugu weynaa ee xagga ganacsiga ah la sixiixday dalka Japan, waxaana arrintan loo fasirtay tallaabo looga jawaabayo go'aanada Maraykanka uu ku xagal daacinayo ganacsiga lala leeyahay.

Heshiiskan oo la sheegay in uu yahay kan ugu weyn adduunka, ayaa waxaa uu quseeyaa dad gaaraya illaa 600 milyan oo qof.

Yurub ayaa Japan u dhoofisa wax soo saarka xoolaha, halka Japan ay Yurub dhoofiso gawaarida.

Maamulka Trump ayaa canshuur cusub oo dheeraad ah kusoo rogay badeecooyinka uga yimaada Yurub iyo dalal kale, waxaana hadda dalalkan ay raadinayaan xulufo cusub oo ganacsi ay la yeeshaan.
Madaxa Midoowga Yurub Jean-Claude Juncker ayaa sheegay in heshiiska cusub uu labada dhinacba guul u yahay.

"Waxa aan muujinaynaa in aan nahay dad awood leh, kana fiicanahay sidii hore marka aan si wadajir ah u shaqayno, ganacsiga xorta ah waa mid ka sareeya canshuuro dheeraad ah iyo jidgooyooyin, waa arrin ku saabsan qiimaheena dadnimo iyo qawaaniinteena wanaagsan, in aan heshiiskan sixiixnay ayaa waxa ay ka dhigantahay u gogol xaarista mustaqbalka" ayuu yiri Mr Juncker oo malaha bidhaaminayay waxa ku kalifay heshiiskan.

Dowladda Maraykanka ayaa gorgortan ganacsi kula jirtay Japan iyo dalal kale oo Aasiya ah muddo 18 ah. Balse Donald Trump ayaa ka baxay wadaxaajoodkan islamarkii uu madaxweyne noqday.

Wixii markaas ka dambeeyay waxa uu soo rogey canshuuro dheeraad ah, iyo xeerar ad adag oo aanan ku habboonayn ganacsiga xorta ah.

Wasiirka arrimaha ganacsiga ee Japan Toshimitsu Motegi ayaa dhankiisa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay heshiiska dhacay, wuxuuna intaas ku daray in uu weli jiro go'aan siyaasadeed oo aan ka waabasho lahayn oo lagu horumarinayo ganacsiga xorta ah.

Post a Comment

0 Comments