Wuxuu ka sheekeynayaa ganacsato farqaha u galay dad isku sheegeyo in ay leeyihiin shirkado qaabilsan dhanka lacagaha oo ay ku soo biiri karaan, si faa'ideyo ay u sameeyaan.Waxaa dadka ganacsatada ah ee lacagaha laga qaaday loo sameeyay qol WhatsApp ah oo ay ku wada xiriirayaan si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa ganacsi, waxaana loo sheegay in lacagihii ay gashadeen shirkadaha Online-ka aanay kala bixin karin.Ganacstadan markii ay khasaareen ayay ogaadeen in shirkad loogu sheegay Infinox oo ka diiwaangashaneyd jasiiradda Bahamas, uusan wax cilaaqaad kala dhexeyn waaxda maamusha lacagaha ee UK. dadka laga qaaday lacagta ugu badan waxay ku sugnaayeen Britain.Wuxuu sannadkii 2020-kii arkay muuqaal baahay oo ku saabsan nin lacago caddaan siinaya dad uusan aqoonin. Waxaana ninkaas lagu magacaabay Gurvin Singh Dyal, oo ah ardeyd kulliyada dawada ka dhigta jaamacad ku taalla Britain.Gurvin wuxuu caan ka ahaa baraha bulshada ka hor inta aanan laga waaynin halkaas. Dad ku xirnaa boggiisa Instagram-ka ayaa sheegay in dhaqaale uu ka sameeyay ganacsiga sarifka.Jonathan wuxuu kamid yahay dadka uu khasaaraha soo gaaray
Wuxuu bilaabay shirkada lagu magacaabo GS3, si uu ganacsi ula sameeyo qof kasta oo firfircoon, oo daneynaya in uu ogaado qaababka ganacsiga hadda caanka noqday ee online-ka dhaqaalaha badan looga sameeyo.Waxaan heystay in ka badan $24,000 oo doollar, waxaa ii soo haray $68 doolar'Nin lagu magacaabo Jonathan, ayaa barta Instagram-ka ku bartay Gurvin. Wuxuu sannadkii 2019-kii ku biiray shirkadda GS3, waxaana Jonathan lagu daray qol WhatsApp ah oo kulmisay dad maalgashato ah oo qeyb ka ah shirkaddaas.Wuxuu ganacsiga sarifka online-ka ku darsaday $1,400 doollar.Jonathan wuxuu ka war hayay halista ku aadan sarifka online-ka, balse waxaa shakiga ka bixiyay Gurvin oo u sheegay in GS3 ay maamusho waaxda maamulka lacagaha ee UK.Markii hore Jonathan wuxuu helay faa'ido badan, wax ka yar toddobaad wuxuu sarifka geliyay $24,000 oo doollar.Wuu ka macaashay ganacsigaas, xitaa wuxuu gaaray ganacsigiisa illaa $42,600 oo doollar, balse xilligii dabaaldeggii ciiddda Kirismaaska, sannadkii 2019-kii, ayay wax kasta is beddaleen.Lacagtii uu ku maalgashaday safirka Forex-ka, ayaa hoos u dhacayay maalinta maalinta ka dambeysa, isaga oo khasaare weyn kala kulmay, waxaana u soo haray $68 oo doollar.Jonathan wuxuu sheegay in farriimo marin habaabin ah oo uga imaanayay shirkadda ganacsiga ee GS3 ay ka joojiyeen in lacagihii uu sameeyay uu kala baxo shirkadda sarifka Online-ka ee 'been abuurka ahayd'.
|
0 Comments