Selena Gomez: Sida ay gabadhan da'da yar uga mid noqotay bilyaneerrada dunida ugu taajirsan Selena GomezXIGASHADA SAWIRKA,AFP/GETTY IMAGES 8 Sebtembar 2024 Selena Gomez waxay caan ku noqotay iyadoo da’yar ah kanaalka Barney iyo Disney Channel. Haddana, dad badan ayaa magaceeda xusa sababtoo ah waa bilyaneer ay qayb kamid ah ku kasbatay codkeeda. Selena ayaa lagu soo warramayaa inay ku biirtay bilyaneerrada dunida iyada oo waliba ah da'yar, waxa ay uga mahadcelisay guulaha ay ka gaartay jilliinka, mataladda iyo hal-abuurka ganacsi. Sida laga soo xigtay Bloomberg, Selena Gomez oo 32-sano jir ah kuna caan baxday atariishonimada iyo heesaha ayaa ku jirtay liiska bilyaneerrada caanka ah dhawaanahanba, iyada oo hantideeda lagu qiyaasay $ 1.3 bilyan. Mar uu telefishinku sharraxaad ka bixinayey halka ay ka heshay hantidan faraha badan, ayaa lagu sheegay inay la xiriirto shirkadda soo saarta waxyaabaha la isku qurxiyo ee ay aas-aastay shan sano ka hor. Shirkaddan ayaa sidoo kale heshay 1 bilyan oo saamiyo ah, sida lagu qiyaasay majaladda. “Dilaaga aamusan ee dariiqyadda dunida mushaaxaya, lama qaban karo lagamana dhuuman karo.” 7 Sebtembar 2024 Maxaa ka jira in Madaxweynaha Soomaaliya uu diiday inuu la kulmo Ra'iisul wasaaraha Itoobiya 7 Sebtembar 2024 Maxaan ka ognahay iskaashiga Shiinaha iyo Soomaaliya 7 Sebtembar 2024 Shirkadan ka shaqeysa arrimaha is qurxinta ayaa ka dhigtay mid ka mid ah "haweenka da'da yar ee iskood u sameystay ganacsiyada" waxaana weheliya Taylor Swift iyo Rihanna. Astaantan, oo loo yaqaan 'Rare Beauty', ayaa bixisa alaabo kala duwan oo is qurxinta la xiriira kuwaas oo si weyn guulo uga gaaray isla markaana laga garanayo dhinaca baraha bulshada. 12-kii bilood ilaa Febraayo oo keliya, waxay diiwaangelisay $400 milyan iibka saafiga ah. Gomez waxay kaloo sameysay tobanaan milyan oo doollar kadib heshiisyo ay la gashay noocyada waaweyn ee shirkada wax soo saara sida Levi's iyo Koch & Puma, sida laga soo xigtay Bloomberg.
0 Comments