Waxaad raadisa dad gooni ah oo ka siman problem haysta kadib si fiican u baar problem kooda xal rasmi ahna ukeen oo fikir ganacsi halkaas ka abuur.
Tusaale soomaaliya waxaad baaraysa dadka ganacsatada beeralayda dhibaatooyinka haysta adigoo waraysan kara dadkaas kadib markaad ogaato dhibaatooyinkooda waxaad u raadin kartaa xal ku haboon oo la huboo kadib ayaad ganacsi ka sameeyn kartaa halkaas adigoo problem koodi ka xalinaaya adna ay ku noqon karto il dakhli fiican kaasoo galoo oo fikir ganacsi aad halkaas ka abuurto.
4- Waxaad Jeceshahay Ubadal Ganacsi.
Markaad fiirso meesha aad ka shaqeeyso hadda iyo meelihii hore aad kasoo shaqeeysay waxaad ogaan kartaa waxyaabo badan oo aadan jeclayn inaad qabato iyo kuwa kaloo badan oo jeceshahay inaad qabatoo.
Waxaad ka fikirtaa ganacsiyo ama shirkado kuwaaso ubaahan waxa aad jeceshahay inaad qabato inta badan waqtigaaga, ka fikir inaad ganacsi ka sameeyso isla waxaas aad jeceshahay oo dadkuna u baahanyihiin oo lacag inay ku bixiyaan u ogolyihiin.
Samee qodobo waxyaabo aad jeceshahay inaad qabato kuwaaso xitaa aad bilaash ku qaban karto marka hore kadibna aad lacag kaga qaadi karto dadka ama shirkadaha aad kula shaqeeynayso.
5- Ka Fikir Arimo Aad Fududayn Karto.
Markii fikir ganacsi dadku ay ka fikiraayan waxay inta badan ka fikiraan inay la yimaadan Fikir ganacsi oo cusub iyagoo juhdi badan ku bixiya iyo waqti farabadan, laakiin taas badalkeeda inta badan fikradaha ganacsi ee guuleysta waa kuwa xaliya dhibaatoyin caadi ah oo jira marwalba kadibna halkaas ganacsi ka sameeya.
Habkaan waa habka ugu fudud ee aad ku heli karto fikrad ganacsi oo cusub waa inaad ka fikirtaa sidii aad dhibaatoyin jira oga dhigi lahayd kuwa fudud oo xal waxtar badan aad u keento, halkaas waxad si fudud ku heli kartaa fikir ganacsi oo horay ujiray balse aad adiga dhibaatoyin ka jiray xal ukeentay.
Markii aad ka fikirto sidii aad u fududeyn lahayd culeesyada jira ee haysta ganacsiyada waxaad awoodi doontaa inaad hesho fikrado ganacsi oo badan adigoo awood u leh markaas inaad ku guuleeysato adiga oo aan juhdi fara bdan ka galin inaad fikir gaancsi oo cusub keento.
6- Ogoow Waxyaabaha Ganacsiyada Kula Midka Ah Aysan Bixin.
Hadii aad niyada ku hayso fikir ganacsi oo rabtoo inaad abuurto balse ay jiraan ganacsiyo badan oo horay ujiray waxaad fiirin karta waxyaabaha aysa bixin oo aysan hayn ama ay ku liitan qaabka ay u sameeyan adeegaas.
Midaan waxay ka saacidi kartaa inaad ka badbaado juhdi iyo waqti badan aad ku bixin lahayd waxyaabo ay dadkii ganacsiga kaaga horeeyay ay bixiyaan oo laga heli karo.
Baaritaan dheer ku samee shirkada ka jiro fikirka ganacsi aad ka fikirayso ogoow waxay ku liitaan ama aysan ka heli macaamiishooda kadib ku dhis halkaas ganacsigaaga cusub oo buuxi booskaas banaan.
0 Comments