![]() |
Xabsi cusub ayaa laga dhagax-dhigay dhanka Koonfur Bari ee magaalada Laascaanood, iyada oo la ballaarinayo xarumaha xabsiyada ee deegaanada SSC-Khaatumo. Dhismahan, oo ay maalgelinayso Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu beddelayaa xabsigii hore ee ku yaallay bartamaha magaalada, kaas oo loo arkay mid u baahan in laga saaro magaalada dhexdeeda.
Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, oo khudbad ka jeediyay xafladda dhagax-dhigga, ayaa sheegay in xabsigan uu muhiim u yahay maamulkiisa, maadaama ay gacanta ku hayaan maxaabiistii ugu badnayd ee dagaal lagu kala qabsado gudaha Soomaaliya. Waxa uu maxaabiista ku eedeeyay dambiyo culus oo ay ka geysteen deegaanada maamulka, taasoo keentay baahida deg-degga ah ee xabsi casri ah.
Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo waxa uu xusay in Laascaanood mar hore loo qorsheeyay in la dhiso iskuul waxbarasho, balse duruufaha iyo tirada sii kordhaysa ee maxaabiista dagaalka ayaa khasab ka dhigtay in xabsi la dhiso halkii laga dhisi lahaa xarumo waxbarasho.
“Waxaa jirtay xilligii dowladdii Ingiriiska ay carrigaan ka arriminaysay, waxaa la dhisay xabsiga Laascaanood sida uu sheegay Wasiirka Caddaaladda. Markii xabsiga la dhisayay, waxaa la yiri: ‘Reer Laascaanoodow, aan school idiin dhisno,’ waxa ay yiraahdeen: ‘Maya, xabsi hanaloo dhiso aan dadka iska xirno.’ Waxaa moodaa hadda inagii, iyada oo aan schoolba noola keenin, in aan xabsigii horeysiinayno. Dantaa tiri, culaysyada jiraa keenay,” ayuu yiri hoggaamiyaha SSC-Khaatumo.
Dhismaha xabsigan cusub ayaa la filayaa in uu wax weyn ka beddelo hanaanka amniga ee magaalada iyo maamulka maxaabiista.
0 Comments