BOOSAASO Maamulka Puntland ayaa bilihii u dambeeyay waday howlgallo guuleystay oo ka dhan ah kooxda argagixisada ee Daacish, taas oo hoy ka dhigtay buuraha Bari ee Soomaaliya. Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa iyaguna dadaal ugu jira sidii ay u garab istaagi lahaayeen ciidamada qalabka sida.
Haweenka ayaa ka mid ah ururrada bulshada ee taageerada siinaya ciidamada. Wariyaha VOA-da ee Boosaaso, Yuusuf Maxamuud Yuusuf, ayaa dhawaan arrimahaas kala hadlay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Bari, Kaafi Cali Jirde. |
0 Comments