LONDON Kaddib kulan deg-deg ah oo Axaddii ka dhacay London, Ra’iisul Wasaaraha Britain iyo 18 hoggaamiye oo reer Yurub ah ayaa soo saaray qodobo rajo gelinaya difaaca iyo amniga Ukraine.
Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, ayaa shirka kaga dhawaaqay qorshe afar qodob ka kooban oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine, laguna taageero qarannimada dalkaas.
Starmer ayaa sheegay in qorshahan, oo ay iska kaashadeen Faransiiska iyo Ukraine, uu ka kooban yahay:
Sii wadidda gargaarka la siiyo Kyiv iyo cadaadiska dhaqaale ee lagu hayo Ruushka si ay u taageerto Ukraine.
Xaqiijinta in dowladda Ukraine ay miis walba oo gorgortan looga hadlayo aayaheeda ka qeyb gasho.
Sii wadidda taageerada hubka si Ukraine ay isaga difaacdo duullaan kale mustaqbalka.
Starmer wuxuu sheegay in Yurub ay haatan taagan tahay isgoys taariikhi ah, isla markaana aysan joogin xilligii hadalka, balse loo baahan yahay ficil iyo midnimo.
Shir-madaxeedkii Axaddii wuxuu soo gabagabeeyay toddobaad diblumaasiyadeed oo xamaasad leh, kaas oo ay ka mid ahaayeen booqashooyin Washington ay ku tageen Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer, iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.
Kulankii Zelensky uu la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo ku-xigeenkiisa JD Vance ayaa ku soo dhammaaday hadallo kulul oo dhinacyadu is dhaafsadeen, kaas oo si toos ah looga daawanayay shaashadaha caalamka. Trump ayaa ku eedeeyay hoggaamiyaha Ukraine inuu ku khamaarayo dagaal saddexaad oo dunida ka dhaco.
0 Comments