LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Israel oo hor-istaagtay gargaarka bani’aadannimo ee Gaza


GAZA — 
Isra’iil ayaa wajahaysa dhaleecayn ba’an oo ka timid qaar ka mid ah bulshada caalamka, kaddib markii ay Axaddii joojisay dhammaan sahayda cuntada iyo daawada ee geleysay Marinka Gaza, isla markaana ay ka digtay cawaaqib dheeraad ah haddii aan la kordhin muddada xabbad-joojinta.

Dalalka Masar iyo Qatar, oo ka mid ah dhexdhexaadiyaasha wadahadallada Israa’iil iyo Xamaas, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, iyagoo xusay in gaajada loo adeegsanayo sida hub oo kale.

Madaxa arrimaha bini'aadannimada ee Qaramada Midoobay, Tom Fletcher, ayaa go’aanka Israa’iil ku tilmaamay mid laga naxo, isagoo carrabka ku adkeeyay in sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada uu si cad u farayo in la oggolaado helitaanka gargaarka.

Hay’adda samafalka caafimaadka ee MSF ayaa sidoo kale ku eedaysay Israa’iil inay gargaarka u adeegsanayso gorgortan, taasoo ay ku tilmaantay arrin aan la aqbali karin iyo fal laga xumaado.

Wajigii koowaad ee xabbad-joojinta ayaa suurtageliyay in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo Gaza, kaddib 15 bilood oo gaajo iyo duqeyn ah. Go’aanka Israa’iil ee jarista gargaarka ayaa ku soo beegmay xilli ay billow tahay bisha barakeysan ee Ramadan.

 

Post a Comment

0 Comments