![]() |
Waxaa la adkeeyay Amniga guud ee deegaannada Maamulka SSC Khaatumo, gaar ahaan Caasimadda Laascaanood, iyada oo la kordhiyay goobaha lagu hubiyo gaadiidka ee bannaanbka magaalada.
Dhawaan waxaa kulan looga hadlay Amniga guddoomiyay Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, waxaana ka soo qeyb galay Guddiga Amniga ee Golaha Wasiirrada iyo Taliska Ciidanka Booliska Maamulka SSC-Khaatumo.
Ugu horrayn Guddiga iyo Taliska ayaa ka warbixiyey amniga guud ee deegaanada SSC iyo horumarka ay ka sameeyeen sugidda amniga, hirgelinta xasilloonida, ka hortagga fal-dambiyeedyada iyo ladagaalanka maandooriyaha. Iyagoona sidoo kale xusay in Ciidamada Booliska, Xasilinta iyo nabad-sugiddu ay hawlgalo joogto ah ka wadaan guud ahaan gobollada Maamulka SSC-Khaatumo.
Hoggaamiyaha ayaa faray Guddiga Amniga ee Golaha wasiirrada iyo Taliska Ciidanka Booliska dadaalka xaqiijinta amniga deegaanka isaga oona ballan-qaaday in ay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay kor-uqaadista iyo tayayna hay’adaha amniga ee Maamulka si kor loogu qaado Amniga.
Adkeynta Amniga magaalada Laascaanood iyo deegaannada hoos yimaada ayaa ku soo aadeysa xilli warar soo baxayay ay sheegayeen in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre safar ku tagayo deegaannada SSC-Khaatumo.
0 Comments