![]() |
Madaxweynaha ayaa booqanaya magaalada dekedda leh ee Arish, si uu u muujiyo walaaca laga cabo kororka weerarada Israel ee Gaza iyo is hortaagga ay ku hayso gargaarka bani’aadantinimo.
Dalalka caalamka ayaa gargaar mug leh geeyay dekeddaasi, balse aysan jirin si lagu gaarsiin karo dadka reer Gaza, sababtoo ah Israel oo xanibtay wax kasta oo Gaza la gaynayay.
Magaalada Arish waa marinka ugu weyn ee gargaarka caalamiga ah ee loogu talagalay Falastiiniyiinta Gaza.
Socdaalka Madaxweyne Macron ee Arish ayaa ah mid uu ku xoojinayo qaylo dhaanta caalamiga ah ee laga muujinayo masiibada bani’aadantinimo ee Gaza.
Madaxtooyada Faransiiska ayaa sheegtay in Madaxweyne Macron uu Talaadada booqan doono Arish, isla-markaana uu la kulmi doono shaqaalaha bani’aadantinimada.
Madaxweyne Macron ayaa sidoo kale la sheegaya in uu la kulmi doono Saraakiisha Masar, si loo riixo hindisaha cusub ee Qaahira ee xabad joojinta looga samayn karo Marinka Gaza, haddii Israel iyo Xamaas ay isku waafaqaan.
Booqashada Macron ee Arish ayaa imaneysa, iyadoo hay’adaha gargaarka ay ka digayaan in macluul ku soo fool leedahay Gaza, haddii aan si degdeg ah gargaarka loo fasixin.
Israel ayaa dhegaha ka fureysatay dhammaan baaqyada caalamiga ah ee looga dalbanayo in ay qaaddo xanibaadda ay ku hayso kaalmada bani’aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay.
Israel ayaa lagu eedeeyay in ay dembiyo dagaal ka gaysaneyso Marinka Gaza, isla-markaana ay dadka rayidka ah isugu dartay dil, dhaawac, barakacin iyo gaajeysiin joogta ah, tiiyoo aysan jirin cid si dhab ah ugu la xisaabtameysa.
0 Comments