![]() |
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa talada dalka haya muddo haatan 7 sano ah. Todobadii sano ee la soo dhaafay, waxaa jiray ballamo barwaaqo ama nasiib wanaag ah dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, diblomaasiyadda iyo arrimaha bulshada.
Iyadoo ay jiraan dad taageersan maamulkiisa oo sheegaya in isbedel uu yimid, natiijooyin badanna laga gaaray, ayaa haddana waxaa jira dad dhaliilsan maamulkiisa oo sheegay in xaaladdu ay ka sii dartay.
Sanad guurada todobaad ayaa waxaa dhacay banaanbaxyo kala duwan oo lagu taageerayay xukuumada Abiy Axmed.
Xukunka haddaba Dr Abiy Axmed ee todobada sano iyo sidii loo qeexi lahaa xal u helida dalabaadka ay soo jeediyeen shacabka waa sidee. BBC-da qaybta afka Oromada ayaa ka waraysatay Buzaayyoo Daggafaa oo ka tirsan laanta Xisbiga Barwaaqo ee Oromiya iyo Dr Asebaa Raggaasa oo ah cilmi baadhe iyo barafasoor dhaqaalaha iyo siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Zurich ee Switzerland.
Ujeedada isu soo baxan taageerada ah ayaa ah in la xuso maalintii ugu horreysay ee ra'iisul wasaare Abiy Axmed kadib halgan muddo jiitamayey.
Midda ah in la garowsado oo la iska kaashado guulaha laga gaaray guushan iyo guulaha uu maamulkan u horseeday caqabado badan iyadoo jireen, ayuu yidhi. Buzaayyoon.
Isaga oo aan ku raacsanayn aragtidaan. Aseba waxa uu sheegay in inta badan la qabto isu soo baxyada taageerada haddii ay jiraan mucaarado ka dhan ah dowladda.
"Markii ay dowladdu si weyn looga soo horjeedo, waxay tiraahdaa waxaan leenahay taageerayaal badan dadkana way soo bixiyaan iyada oo laga dhigaayo inay taageersan yihiin - dowladda".
"Dawlad nabad ku wada nool oo dadka ku wada nool waa in aanay qaban isu soo baxyo taageero oo sannadle ah," ayuu yidhi Dr Aseba.
Dr. Buzaayyoon ayaa sheegay in ay jiraan sababo wanaagsan oo loo dabaaldego maalintan inkastoo ay jiraan cilladana.
Isbadalkan dowladnimo kaliya kuma imaan halgan badan, naf hurid iyo dadaal shacab, balse waxaa jiray natiijooyin badan oo ka dhashay. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la mideeyo natiijooyinka la gaaray, islamarkaana la is weydiiyo kuwa aan wax laga qaban.
"Maamulka Dr. Abiy Axmed ayaa talada dalka la wareegay ka dib halgan rejo badan laga qabay in isbeddel wanaagsani yimaado, kaasoo toddobadii sano ee la soo dhaafay keliya kusoo idlaaday rejo" ayuu sheegay Aseba. "Wax ka yar sanad, qorshahaasi wuu isbeddelay, dadkuna haddeer waxay arkaan xaaladda" ayuu yidhi.
Wax ka yar hal sano ka dib, howshaas ayaa is beddeshay, hadda qof walba wuu fahmay xaaladda howsha, ayuu yiri, hadda dadku way arkayaan xaaladda ayuu ku daray.
Dhinaca kale natiijadii ka soo baxday maamulka Xisbiga Barwaaqo. Buzaayo ayaa tusaale u soo qaatay biyo xidheenka Wabiga Niil oo sanado badan dib u dhac ku yimid, haatana heer gabo gabo ah maraya. "Tani ma ahan mid ka faa'iideysan doonta oo kaliya dalka oo dhan, laakiin sidoo kale dalal badan oo Afrikaan ah ayey faa'iido u tahay" ayuu yidhi.
Dr. Abiy oo ka jawaabayay su'aalo ay weydiiyeen xubnaha golaha shacabka todobaad ka hor ayaa sheegay in biyo xidheenka uu gaaray boqolkiiba 98, islamarkaana lagu soo gabagabeyn doono lix bilood.
Guulaha kale ee uu Dr Buzaayo soo qaatay waxaa ka mid ah aasaaskii Xisbiga Barwaaqo.
"Berigii hore meelo badan ayaa la dulmay, maanta oo kale, gobollo kooban ayaan u dulmanayn sidii hore".
0 Comments