LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda murugsan ee Gaza




Xaalad bani’aadantinimo oo aad looga walaaco ayaa laga soo sheegaya Marinka Gaza, taas oo ka dhalatay diidmada Israel ee la xiriirta inaanan wax gargaar ah la gayn karin gudaha Gaza iyo iyadoo xoojisay duqaymaheeda aan kala sooca lahayn ee ay ka gaysaneyso guud ahaanba Marinka Gaza.

Duqaymaha aan loo meel dayeynin ee diyaaradaha dagaalka Israel ka fulinayaan qaybaha Gaza oo idil ayay waxyeelo xoog leh ka soo gaareysaa dadka reer Gaza, haba ugu badnaadaan haweenka iyo carruurta.

Shacabka oo ah kuwo ciirsi la’aan ah ayaa sameynaya barakac ballaaran, iyagoo ka cararaya guryahooda iyo goobihii kale ee ay gabaadka ka dhiganayeen.

Israel ayaa isku dayeysa in ay cadaadiska ku kordhiso shacabka tabaaleysan, iyadoona markan soo saartay amar cusub oo dadka looga barakacinayo goobaha ay degan yihiin.

Taliska Militariga Israel ayaa shacabka ku wargeliyay in ay si dhakhsa ah uga baxaan Degmooyinka Sabra, Zeitoun iyo Tal Al-Hawa ee Magaalada Gaza, oo ah tan ugu weyn ee Marinka Gaza.

Taliska ayaa war uu soo saaray ku sheegay in shacabku ay tahay inay naftooda la baxsadaan, haddii kalena ay dhimasho wajihi doonaan.

Ciidamada Israel ee la soo dhoobay xuduudaha Marinka Gaza ayaa damacsan in ay si qoto dheer isugu fidiyaan koonfurta iyo waqooyiga Marinka Gaza.

Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in ciidamadu ay fulinayaan qorshaha ay Tel Aviv ku qabsaneyso dhul ballaaran oo Gaza ah, oo laga sameeyo sida uu yiri aag militariga ka caagan oo laga ilaaliyo amniga Israel.

Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee ka hawlgala dhulka sida weyn loo go’doomiyay ayaa qaylo dhaan ka muujiyay dhibaatadii ugu weyneyd ee bani’aadantinimo oo halkaasi ka jirta.

Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) oo kale waxay sheegtay in xaaladda dadka reer Gaza ay aad uga sii dareyso, ka dib wax ka badan bil oo aanu gargaarku soo gelin Marinka Gaza, maadaama ay Israel diidan tahay in halkaasi la geeyo gargaarka naf badbaadinta ah.

Israel ayaa 2-dii bishii March soo rogtay go’doomin dhinac walba leh, oo ay isku hortaageyso kolonyada gargaarka ee u raran Qaramada Midoobey ee gelaya Gaza.

Ka dib xanibaadda gargaarka, Israel ayaa jartay korontadii Gaza, waxayna toddobaadyo ka dib ay si dhameystiran dadka reer Gaza uga jartay biyihii ay cabayeen.

Militariga Israel ayaa 18-kii March soo cusbooneysiiyay dil wadareedkii ay muddada dheer ku hayeen shacabka Falastiin ee ku nool Gaza, ka dib xabad joojin shaqeynaysay ku dhawaad laba bilood.

Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa ka dardaar warisay masiibada bani’aadantinimo ee gacan ku sameyska ah ay Israel ka abuurtay gudaha Gaza.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada (OCHA) ayaa sheegay in Qaramada Midoobey iyo la hawlgalayaasha bani’aadantinimo ay ka jawaabi doonaan baahida baaxadda leh ee shacabka, marka ay xaaladdu saamaxdo.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa si joogta ah Warbaahinta ula wadaagaya inaanu wax gargaar ah soo geli karin Gaza, go’doominta daran ee Israel awgeed.

Hay’adaha samafalka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay diidan yihiin raashiinka, biyaha, sahayda dawada iyo shidaalka in la keeno Gaza, iskaba daa waxyaabaha kale ee ay dadku u baahan yihiin, sida dharka iyo agabka lagu seexdo.

Xayiraadda muddada shanta toddobaad ee soo gelitaanka dhammaan noocyada gargaarka bani’aadantinimo iyo badeecadaha lagama maarmaanka ah ayaa dadka ka reebeysa baahiyaha aasaasiga ah. Gargaarka cuntada ee Gaza ayaa ah waxa ugu weyn ee ay shacabku ku tiirsan yihiin.

Israel ayaa dhegaha ka fureysaneysa baaqyada caalamiga ah ee looga dalbanayo inay hagaajiso masiibada bani’aadantinimo ee ka jirta gebi ahaanba Gaza.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa mar sii horreysay ku andacooday in tallaabadan ay u qaadeen, si ay Xamaas ugu cadaadiyaan inay dib ugu soo laabato miiska wada hadalka, isagoona ku eedeeyay in ay diiday in la kordhiyo muddada wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga labada dhinac ee 15-kii bishii January lagu gaaray dalkaasi Qatar. Muddada xabad joojinta oo lix toddobaad ahayd ayaa ka bilaabaneysay 19-ka January, waxayna dhammaatay 1-dii bishii March.

Xamaas ayaa si adag isaga fogeysay eedeyntaasi, waxayna sheegtay in ay ka go’an tahay inay fuliso wixii horey loogu heshiiyay, balse Netanyahu iyo Wasiiradiisa xagjirka ah ay diidan yihiin sida ay sheegtay in loo gudbo marxaladda labaad ee heshiiska.

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa dalalka dhexdhexaadiyeyaasha iyo Beesha Caalamka ku booriyay in Tel Aviv lagu cadaadiyo, si ay uga noqoto go’aanka ay ku xanibtay gargaarka, loogana joojiyo xasuuqa isir sifeynta ah ay ka waddo Marinka Gaza.

Labada dhinac ayaa 15-kii bishii January ku heshiiyay saddex weji oo heshiis ah, kaas oo qeexaya in wejiga labaad ay Israel ciidamadeeda uga la wada baxeyso Marinka Gaza.

Israel ayaa hadda gebi ahaanba ka soo horjeeddo in loo gudbo marxaladda labaad ee heshiiska, waxayna dalbaneysaa in la dheereeyo muddada xabad joojinta ee wejigii koowaad, iyadoo la sii wadaayo maxaabiis is dhaafsiga, ha yeeshee Xamaas ayaa ka gows-adeygtay.

Israel ayaan diyaar u ahayn inay ciidamadeeda kala baxdo meelaha ay ka joogaan Marinka Gaza, waana sababta ay u carqaladeynayso is afgaradkii la gaaray.
 

Post a Comment

0 Comments