LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Xiisada Pakistan iyo Hindia oo cirka isku shareertay

 



Warbahinta dowlada Pakistan waxaa aay bahisay in qarax bam oo kadhacay degaanka maargeeta lagu  magacaabo uu sababay dhimashada 10 askari oo kamida ciidanka dowlada Pakistan 

Waxaane lagu waramayaa tani in aay qeeyb katahay xiisada kacsan ee kajirta gobalka bolojistaan gobolkaan oo kuyaala xadka dowlaha Iran iyo sidoo kale Pakistan 

Sida wararku aay shegayaan ciidamda milatari  dowlada Pakistan ayaa iga oo marayey mid kamida wadooyin muhiimka ah ee gobolkaan waxaa lala eegtay miinadaan dhulka lagu aasay waxaane masuuliyadaa weerarka sheektay kooxda gooni ugoosadka ee polojistaan 

Xoogagaan ayaa waxaa aay shaaca kaqadeen in miinada dhulka lagu aaso aay la eekteen qaar kamida ciidamada dowlada Pakistan oo halkaas marayey ilaa iyo 10 ruun ayaane lagu waramayaa in aay kudhinteen 

Waxaa aay arintaa kusoo beegmeysaa ayada oo dowlada Pakistan ayada feejignaan kujiro xiisada kala dhaxeeyso dowlada India daraadeed 

Weerarkii ugu dambeyey ee kadhaca gobolka polojistaan oo kooxahaha gooni ugoosadka aay masuuliyadiisa sheegtaan waxaa uu dhacay 20 November 2024  waana mid dad badan aay kudhinteen ilaa iyo 26 ruux ayaa ladiinwaan galiyey in aay dhinteen 62 kale waa aay kudhawacmeen weerarkaan isla kooxda ayaa shegatay 

Hadaba maxaa kanaqanaa kooxda xoreeynta gobolka polojistaan waa urur hubeysan una dagaalamo madax banaanida iyo xoreeynta gobolaka polojistaan kaas oo kuyaalo koofurta galbeed dalka Pakistan 

Waxaa la aas aasay ururkaan horaantii sanadkii 2000 inkasta oo aay jireen dhaqdhaqaaqyada gobolka polojistaan tan iyo sanadkii 1948 markaas oo dowlada Pakistan si rasmi ah  uga darsatay gopolka polojistaan  guud ahaan dhulkeeda  

Post a Comment

0 Comments